Wafdi ka Socda Imaaraatka Carabta oo u Ambabaxay Israa’iil.

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wafdi ka socda Imaaraatka Carabta ayaa u Amba baxay  Israa’iil iyadoo lagu wado in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Maaliyadda ee Imaaraadka Carabta Cubayd Xumeyd in ay kulmaan si ay u kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

Sida uu faafiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil mid kamid ah heshiiyada ay wada saxiixanayaan Imaaraadka  iyo Israa’iil ayaa dhigaya in muwaadiniinta Imaaraadka iyo Israa’iil ay isaga kala gooshi karaan labada dal iyaga oo aan la weydiineyn wax fiiso ah.

Wafdigan  ka duulay Imaaraadka ee gaaray Israa’iil ayaa waxaa wehlinaya diblumaasiyiin Mareykan ah oo uu ka jiro Wakiilka Gaarka ah ee mareykanka u qaabilsan Xiriirka Caalamiga ah Avi Berkowitz, kaas oo bartiisa Twitter-ka soo dhiga sawirka Tikidhka uu uga duulay Imaaraadka uguna socdo Israa’iil.

Heshiiskan Fiiso la’aanta loogu kala gooshayo Imaaraadka iyo Israa’iil ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhex mara Israa’iil iyo dal Carbeed.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin ayaa goobjoog ka noqon doona saxiixa heshiiska iyo dhowr  heshiis oo kale oo la xiriira iskaashi dhanka Maalgashiga iyo Seyniska ah.

Imaaraadka iyo Israa’iil ayaa xiriirkooda caadiyeeyay 15-kii bishii Sebteembar ee sanadkan Waxaase Wali Jira Waddamo Carbeed oo ka soo Horjeeda in Isra’iil loo Aqoonsado Wadan isla markaana Heshiis Lala Galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here