Ronald Koeman Oo Niyadjabiyay Jamaahiirta Barcelona Ka Hor Kulanka Caawa.

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababare Ronald Koeman ayaa si dhaqso ah meesha uga saaray hadal kasta oo ku saabsan in Barcelona ay ka mid tahay kooxaha ugu cadcad hanashada Champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Catalans ayaa xilli ciyaareedka cusub ee Champions League waxay habeen danbe ku bilaaban doontaa kulan ay la ciyaarayaan kooxda yar ee Ferencvaros.

Laakiin guuldaradii Getafe ka soo gaartay ayaa ka dhigeysa inay xilli ciyaareedka Champions League ku bilaaban doonaan iyagoo niyadjabsan oo weli ay maankooda ka bixin xasuuqii 8-2 ee ka soo gaaray Bayern Munich xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

“Marka aad joogto Barcelona waxaa qasab ah inaad u ciyaarto inaad ku guuleysato koobab” ayuu Koeman ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee maanta.

“Koobabka maxaliga iyo Yurub. Laakiin waxaa jira kooxo badan oo inaga xoog badan, waana inaad cadeyso awoodaada.

“Ka dib wixii ka dhacay kooxda ma nihin kuwa ugu cadcad hanashada koobka laakiin meel sarre waan gaari karnaa”

Ferencvaros ayaa loo arkaa inay ka mid tahay kooxaha ugu liita ee group-ka ku jira, iyadoo group-ka ay sidoo kale kula wehliyaan Juventus iyo Dynamo Kyiv, laakiin Koeman ayaa sheegay inuusan yareysan doonin kooxda Ferencvaros habeen danbe.

“Waxaan filaneynaa inaan wajahno koox adag” ayuu yiri Koeman. “Ma jiraan haatan kulamo sahlan. Waa inaan abuurno fursado.

“Waan qiimeynaa kooxaha naga soo horjeeda oo dhan, waana inaan ixtiraamno dhamaantood. Waa inaan joojino tayadooda. Waxay ku fiican yihiin kubad difaacashada, waxayna heystaan ciyaaryahano muhiim ah oo weerarka ka dheela”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here