Kulanka Caawa ee  PSG iyo Manchester United  iyo Xusuustii Hore Ee Labada Kooxood,

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa ku sugan magaalada Paris ee waddank Faransiiska oo ay marti ugu yihiin Paris Saint-Germain oo garoonka oo ay ku wada jiraan Hormada H ee tartanka Champions League.

United oo xili ciyaareedkii hore wareegga semi-finalka ee tartanka Europa League soo gaadhay ayaa waxay foodda is darayaan PSG oo finalka Champions League timid iyadoo ay Bayern Munich koobka kaga qaadday magaalada Lisbon.

Man United oo ka mid ah kooxaha taariikhda wanaagsanku leh tartanka Champions League laakiin sannadihii ugu dambeeyey dhibaatoonaysay ayaa xili ciyaareedkan rajaynaysa inay sannadkan is muujiyaan.

Labadan kooxood ayaa kulankoodii ugu dambeeyey waxay iskaga hor yimaaddeen March 6 oo wareeggiik 16ka ee tartanka Champions League ah, waxaana PSG ay lugtii hore ee Old Trafford ku badisay 2-0, laakiin ciyaartii labaad ee Parc des Prince ayay Red Devils guushu kusoo raacday 3-1 iyadoo goolka guushana uu Marcus Rashford u dhaliyey rikoodhe daqiiqaddii 94aad, taas oo Man United ay kusoo gudubtay.

Labada kooxood ee kale ee hormadan kula jira PSG iyo Man United ayaa iyaguna aan sahlanayn, waana Istanbul Basaksehir iyo RB Leipzig, kuwaas oo Groupkan ka dhigay midka dhimashada.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa madax xanuun haystaa ka hor ciyaartan, waxaana uu u baahan yahay inuu guul weyn ka keeno, sababtoo ah, waxa sugaya saddex ciyaarood oo adag oo garoonka Old Trafford ay ugu iman doonaan kooxaha Chelsea, RB Leipzig iyo Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here