Wasiirka ka Tirsan Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay Tacadi jinsi.  

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Dhaqanka iyo Isdhexgalka Bulshada ee Abu Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta Sheikh Nahyan bin Mubarak Al Nahyan ayaa lagu eedeeyay inuu tacaddiyo jinsi kula kacay mid ka mid ah shaqaalaha hay`adda Hay Festival.

Caroline Michel, oo madax ka ah Hay, ayaa sheegtay in hay`addaasi aysan mar kale ka shaqyen doonin halkaas inta uu Al Nahyan yahay wasiirka dhaqanka.

Caitlin McNamara, oo ka tirsan Hay ayaa sheegtay in wasiirku uu isku daygaasi kula kacay horraantii sanadkan.

Sheikh Nahyan, oo 69 sano jir ah, ayaa beeniyay eedeymahaas.

Waxay arrintaas kaddib wargelisay madaxdeeda iyo safaaradduba, waxayna u tagtay booliiska UK kaddib markii la qaaday xayiraaddii coronavirus.

Sida laga soo xigtay Sunday Times, Ms McNamara ayaa ka war dhowreysa in dowladda Imaaraatka ay tixgeliso kiiskeeda, waxayna sheegtay inay dooratay inaysan magaceeda qarin, iyadoo tiri “Waxaan dareemayaa inaysan jirin wax iga soo gaaraya”.

“Waxaan doonayaa inaan sidan sameeyo sababtoo ah waxaan raaa inaan iftiimiyo saameynta ay leedahay in ragga awoodda leh ee isaga oo kale ay waxaas sameeyaan iyagoo u haysta inay ka dabbaal karaan,” ayay u sheegtay wargeyska.

Waxay sheegtay inay aaminsan tahay inay ayada ahayn qofki ugu horreeyay amaba ugu dambeeyay ee ay arrintan ku dhacdo, isla markaana ay saameyn maskaxeed iyo mid jireedba ay ku yeelatay.

Guddoomiyaha Hay Festival, Caroline Michel ayaa barta Twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ku tiri: “Waxa saaxiibteen Caitlin McNamara ku qabsaday Abu Dhabi bishii February waa tacaddi daran iyo ku tumasho awood.

“Sheikh Nahyan bin Mubarak Al Nahyan wuxuu ka gaabiyay mas’uuliyaddiisa wasiirnimo wuxuuna diiday inay dowladdiisu la shaqeyso Hay Festival si sare loogu qaado xorriyatul-qowlka iyo xoojinta haweenka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here