PSG vs Man United & Kulamada Xiisaha Leh Ee Champions League Ee La Ciyaarayo Talaadada & Arbacada & Waqtiga La Dheelayo

0
145

JOWHAR (Radio Isnaay) Xilli ciyaareedka cusub ee koobka Champions League ayaa bilaabanaya habeen Talaadada ee 20ka bisha Oktoobar iyadoo Talaadada iyo Arbacada la dheeli doono kulamo xiiso leh.

Habeenka Talaadada waxaa ciyaaraya Group-yada E ilaa iyo H halka habeenka Arbacada ay dheeli doonaan Group-yada A ilaa iyo D.

Macalinka Juventus Andrea Pirlo ayaa habeenka Talaadada waxa uu ka horimaan doonaa macalinkiisii hore ee safay kulankiisii ugu horeysay isagoo 16 sanno jir ah Mircea Lucescu kaasoo hogaaminaya kooxda Dynamo Kyiv.

25 sanno ka dib, wuxuu ka horimaanayaa macalinkiisii hore isagoo tababare u ah kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus.

Kulamada kale ee xiisaha leh ee habeenka Talaadada la ciyaarayo waxaa ka mid ah Chelsea oo garoonkeeda ku soo dhaweyn doonta kooxda reer Spain ee Sevilla halka Lazio iyo Dortmund ay iyagana balansan yihiin.

Laakiin kulanka ugu weyn habeenka Talaadada wuxuu dhexmarayaa kooxaha Paris Saint-Germain iyo Man United oo ku balansan garoonka Parc des Princes.

Habeenka Arbacada waxaa iyadana jira kulamo xiiso leh Bayern Munich iyo Atletico Madrid ayaa isku balansan halka Manchester City ay wajihi doonto kooxda reer Portugal ee FC Porto.

Liverpool waxay u safri doontaa Ajax iyadoo uu ka maqan yahay Virgil van Dijk halka Real Madrid ay soo dhaweyn doonto Shakhtar Donetsk, waxaa iyadana u baahan in ilgaar ah lagu eego Inter Milan oo soo dhaweyn doonta kooxda Bundesliga ka dhisan ee Monchengladbach.

Talaadada 20ka Oktoobar

Group E:

Chelsea vs Sevilla (10ka habeenimo Saacada Geeska Afrika)

Rennes vs Krasnodar (10pm SGA)

Group F:

Zenit vs Club Brugge (07:55pm SGA)

Lazio vs Dortmund (10pm SGA)

Group G:

Dynamo Kyiv vs Juventus (07:55pm SGA)

Barcelona vs Ferencváros (10pm SGA)

Group H:

Paris vs Manchester United (10pm SGA)

Leipzig vs İstanbul Başakşehir (10pm SGA)

Arbacada 21ka Oktoobar

Group A:

Salzburg vs Lokomotiv Moskva (07:55pm SGA)

Bayern vs Atlético Madrid (10pm SGA)

Group B:

Real Madrid vs Shakhtar Donetsk (07:55pm SGA)

Internazionale vs Mönchengladbach (10pm SGA)

Group C:

Manchester City vs Porto (10pm)

Olympiacos vs Marseille (10pm)

Group D:

Ajax vs Liverpool (10pm)

Midtjylland vs Atalanta (10pm)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here