Laba Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Aan Kulanka PSG Ee Champions League Kasoo Muuqan Doonin

0
130

JOWHAR (Radio Isnaay) Kooxda Manchester United ayaa war weyn laga helayaa xiddigaha kooxdeeda gaar ahaan kahor kulanka adag ee ay habeen dambe Paris Saint-Germain ku booqanayaan magaalada Paris iyo waliba gegida Parc des Princes.

Wararka haatan soo dhacaya ayaa sheegaya inay Manchester kulankaas ka maqnaan doonaan saxeexooda cusub ee Edinson Cavani iyo waliba kabtankeeda Harry Maguire oo labadaba lagaga tagay magaalada Manchester.33 sano jirka ree Uruguay ayaa lagaga tagay Manchester markii ay goor dhawayd xiddigaha kooxdiisu u duulayeen magaaladii Paris ee uu toddobada sano kusoo qaatay waxaana la filayaa inuu sii wadi doono tababarka.

Waxa jira warar kale oo sheegaya in Cavani uu wali tagi karo magaalada Paris si uu kulankaas qayb uga qaato balse waxa ay u badantahay inuusan tagin maadaama oo uusan gegida diyaaradaha ee Manchester kasoo muuqan maanta.

Tababaraha PSG ee Tuchel oo dhawaan ka hadlay Cavani ayaa sheegay inuu xiddigiisii hore yahay mid kamida weeraryahanada ugu wanaagsan dunida kubadda cagta.

Sidoo kale kabtanka Red Devils ee Harry Maguire ayaan kasoo muuqan xiddigaha ka tagayay Manchester walow uu qaab ciyaareed sarre kusoo muujiyay goolna kasoo dhaliyay kulankii ay guusha 4-1 ka ah kasoo gaadheen Newcastle United.

Maguire ayaa ahaa mid dhibaatooyin kusoo dhex jiray tan iyo fasaxii kooxaha ee xagaaga kaddib markii uu u duulay dalka Greece waxaana intaas u raacday dib u dhacyo garoonka dhexdiisa ah.

Dhinaca kooxda martida loo yahay ayay sidoo kale dhaawacyo ka jiraan, Marco Verratti, Juan Bernat iyo Kehrer ayay hubaal tahay inay maqnaan doonaan halka uu shaki ku jiro Marquinhos iyo Mauro Icardi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here