Xog Cusub Oo Kasoo Baxaysa Haddii Uu Eden Hazard Barcelona Kahor Tagi Doono Kulanka El-Clasico Ee Bishan

0
156

JOWHAR (Radio Isnaay) Sida ay sheegayaan warar cusub oo la helayaa, garabka weerar ee kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaan taam ahaanshaha buuxa kusoo laaban doonin kulanka ay kooxdiisa El Clasico ku wajahayso dhigeeda Barcelona toddobaadkan.

Wargeyska Cuatro ee Spain kasoo baxa ayaa sheegaya sida uu ciyaaryahanka ree Belgium ugu baahan yahay wakhti badan oo uu kusoo kabto si uu hubaal uga dhigo inuusan dhaawac kale oo dib u dhac ku noqda galin.29 sano jirkii hore ee Chelsea ayaa dhibane weyn u ahaa dhaawacyo kusoo noq-noqday tan iyo maalintii uu kusoo biiray Real Madrid, Hazard ayaa dhaawac ku seegay in badan oo xilli ciyaareedkii hore kamid ahaa halka uu xilli ciyaareedkana ku bilawday.

Go’aankii uu Hazard ku raacay xulka Belgium kulamadii hore ee caalamiga ahaa ayaa ka dhigan inuu seegay 10 maalmood oo tababarka xilli ciyaareedka ka horreeya ah.

Hazard ayaa kaliya hal gool soo dhaliyay 22 kulan oo uu xilli ciyaareedkiisii koowaad usoo ciyaaray Los Blancos walow ay kooxdu ugu dambayn kusoo guuleysatay horyaalka La Liga oo ay shan dhibcood kaga qaaday Barcelona.

Dhaawaca iyo taam ahaanshaha Hazard ee aan hadda 100% ahayn ayaa dib u dhac ku ah safka Zidane walow ay inta badan xilli ciyaareedkii hore kusoo shaqeeyeen nolol isaga la’aantii ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here