Waakan Hubka Qarsoon Ee Ay Liverpool Haysato Kana Caawin Doona Sabtida Inay Aamusiiyaan James Rodriguez

0
129

JOWHAR (Radio Isnaay) Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa qolkeeda labiska ku dhex haysan karta hubkii ka caawin lahaa inay aamusiiyaan kubad sameeyaha kooxda ay xifaaltamaan ee Everton wacdaraha ku dhigaya ee James Rodriguez.

Liverpool ayaa Sabtida booqanaysa gegida Goodison Park waxaana ay u baahan yihiin kahor kulanka ay la ciyaarayaan kooxda hoggaanka haysa inay helaan wado ay ku joojin karaan james.Hubka qarsoon ee ay Reds haystaan kana caawin kara inay helaan habkii ay James ku joojin lahaayeen ayaa ah saxeexa cusub ee kooxdooda ee Thiago Alcantara kaas oo u sheegi kara waxbadan maadaama ay ciyaaryahanka ree Colombia aqoon fiica isu leeyihiin.

James iyo Thiago ayaa labaduba isku diyaarinaya inay fool ka fool iskaga hor yimaadaan iyaga oo markan ku wada sugan carriga England.

Iyadoo uu Alcantara ilaa haatan kaliya hal kulan usoo ciyaaray Liverpool, kooxdiisa ayaa guuldarro 7-2 ah kala soo kulantay dhigeeda Aston Villa intii uu maqnaa kaddib markii laga helay xanuunka Korona Fayras.

Hadda 29 sano jirka ree Spain ayaa si buuxda uga soo kabtay xanuunka waxaana uu isha ku hayaa inuu shaxda Liverpool toos ugu soo bilaaban doono ciyaarta adag ee Sabtida.

Kulanka kahor waxa la filan karaa in Thiago uu tababarihiisa Jurgen Klopp xog ka siin doono Rodriguez oo uu garanayo maadaama oo ay Bayern Munich laba xilli ciyaareed kasoo wada tirsanaayeen.

James ayaa qaabka duufaanta ku qabsaday Premier League isaga oo Toffees ka caawiyay inay dhammaan afartii kulan ee ay horyaalka ka ciyaareen soo guuleysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here