Xulka Dalka Ukrine oo guul Dahabi ah ka Gaaray Dhigooda Spain.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Spain ayaa guul-darro lama filaan ahi kasoo gaadhay ciyaar ay marti ugu ahaayeen Ukraine oo ka tirsanayd tartanka UEFA Nations League, taas oo ay kala soo laabteen khasaare 1-0 ah.

Tababare Luis Enrique ayaa ka hor tegay Andriy Shevchenko oo ah macallinka xulka Ukraine, waxaana kulankan oo uu kusoo bilowday Sergio Ramos uu isbeddel badani ka muuqday ciyaartoyda Spain oo xiddigihii ruug-caddaaga ahaa ay qaar badan oo ka mid ahi kaydka ku jireen.

Sergio Busquets iyo Sergi Roberto ayay ciyaartu u dhamaatay iyagoo kaydka fadhiya oo aan garoonka soo gelin, laakiin Dani Ceballos, Daniel Olmo iyo Ferran Torres ayaa noqday beddellada uu tababare Luis Enrique kusoo hambabaray ee uu sameeyey markii ay qaybta dambe badhtamaha maraysay, laakiin waxay awood u yeelan waayeen inay waddankooda guul-darro ka badbaadiyaan.

Weeraryahanka da’da yar ee Ansu Fati, Adama Traore iyo Rodrygo ayuu kulankan ku aaminay tababaraha Spain oo uu ciyaarta kusoo bilaabay, waxaase uu saaray Fati iyo Rodrygo markii ay awoodi kari waayeen inay sii wadaan tamartii ay ciyaarta ku bilowdeen daqiiqadihii ugu horreeyey.

Xulka qaranka Spain ayaa marar badan ku dhowaaday inay goolka gaadhaan oo ay ciyaarta hor maraan, waxaase iskugu darsamay nasiib-darrooyin ay kubaddu diiday, goolhaye George Buschan oo u babbac-dhigay khatarihii ku imanayey iyo go’aamadii garsooraha oo ku adkaystay in aanay wax qaladaad ahi dhicin xilli ay Spain ku doodaysay in rikoodhe ay xaq u leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here