Guterres  oo ka Hadlay Sida lagu Yareyn karo Qataraha Masiibooyinka.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 13-ka Oktoobar, waxaa loo aqoonsanaa maalinta caalamiga ah ee dhimista musiibooyinka dabiiciga ah, waxaana lasoo bandhigaa waddamada ugu badan ee wajahay halista iyo kuwa la saadaalinayo in ay ku jiraan xaalad khatar ah!

Saameynta ugu badan musiibadu waxaa dareema dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, kuwa wajahaya xaaladda soo kabashada, Aafooyinka dagaalka iyo musiibooyinka kale ee qaar aadanuhu uu sababta u yahay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa muuqaal uu soo duubay waxa uu uga hadlay qaabka ay la tahay in looga gudbi karo caqabadaas, qorshaha lagu taageeri karo waddamada heerka hooseeya iyo qodobo kale.

Musiibadu waa waxa ugu badan ee dadka ka barakiciya ama Qaxootinimada ku qasba, sababtu waa in aysan lahayn awood kale oo ay isaga celiyaan dhibkaas halkii ay doorbidi lahayaeen in ay isaga tagaan dhulkooda.

Guterres ayaa ku af-qabsaday xannuunka Covid-19 oo dhammaadkii sanadkii tagay kasoo ifbaxay wadanka Shiinaha, balse dunida inteeda kale isaga kala gudbay saddexdii bilood ee ugu horeysay sanadkaan 2020.

Waa uu sii hadlay waxaana uu dul istaagay qorshaha loo baahan yahay in la dajiyo si looga badbaado musiibooyinka muuqda iyo kuwa lasii saadaalinayo, maadaama nolosha dad badan dhibaatadu gaareyso.

Hal ku dhigga sanadkaan waa iskaashiga iyo xoojinta wada-shaeynta si loo awoodo Dhimista Musiibooyinka Dabiiciga ah si loo dhiso adduun aamin ah oo adkeysi badan, kana hortagi kara halista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here