Maamulka Degmada Balcad oo Shaaciyay Tirada Qoysaskii ku Barakacay Fatahaadaha.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – waxaa sii kordhaya Qoysaska ka barakacaya Fatahaadaha Wabiga shabeelle ee Deegaano hoostaga Degmada Balcad ee Gobolkani Shabeellaha Dhexe iyado ay jiraan dadaalo ay wadaan Maamulka Degmadaasi kuwaas oo lagu doonayo in loogu gurmado dadkii ay barakiciyeen fatahadaha kuwaas oo ku nool gudaha Dagmada Balcad.

Madaxa xiriirka Hey’adaha ee Degmada Balcad Xamdi Xaaji Axmed ayaa sheegtay In tirada Dadka ku  Barakacay Fathadaha ee ku sugan gudaha Degmada Balcad ay gaarayaan Shan kun oo Qoys loona baahanyahay in la caawiyo.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here