Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay dad farabadan oo ka bogsaday Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo uu horey ugu dhacay.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 maalin ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga baaray 3,464 qof, isla markaana laga helay 119 ruux kamid ah dadkaas laga helay cudurka, waxaana ka bogsaday 79 Ruux.
11 October 2020: Tirada la baaray Covid-19, 5tii maalin ugu dambeeyay Soomaliya: 3,464
Laga Helay: 119
Puntland : 99
Somaliland: 18
Banadir: 2
Lab: 83
Dhedig: 37
Bogsasho: 79
Dhimasho: 0
Tirada Guud ee Laga Helay: 3,864
Bogsashada Guud: 3,089
Dhimashada Guud: 99