Jamaahiirta Man United Oo Dalbaday Saxiixa Wiilka Halyeey Kooxdooda Ah Oo Gool Waali Ah Dhaliyay

0
144

JOWHAR (Radio Isnaay) Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa guddoomiye ku xigeenka kooxdooda ee Ed Woodward ka doonaya saxeexa 13 sano jirka uu dhalay halyeeyga kooxdooda ee Robin Van Persie oo gool cajiib ah u dhaliyay kooxda 15 jirada ka yar ee Feyenoord.

Van Persie ayaa 58 gool ugu soo dhaliyay Man United 105 kulan oo uu usoo ciyaaray isaga oo sanadkii 2012 kaga soo biiray dhinaca Arsenal isla markaana ka caawiyay horyaalkoodii 20-aad xilli ciyaareedkii 2012-13.Waayaha ciyaareed ee Robin Van Persie ayaa ahaa mid kasoo bilaabmay kuna dhammaaday horyaalka Holland ee Eredevise isaga oo hawl-gabay xilli ciyaareedkii 2018-19.

Haatan ayuu soo baxay muuqaal muujinaya in Shaqueel uu awooda gool dhalineed ka dhaxlay aabihii Robin Van Persie kaas oo muujinaya gool cajiib ah oo uu u dhalinayo da’yarta Feyenoord.

Goolka ayaa ah mid Shaqueel looga soo karoosayo garabka bidix ee garoonka isaga oo kubadda oo joog sarre ku socotay isla tuuraya oo ku qasbaya goolhayaha Ajax oo ahayd kooxda ay wajahayeen inuu sii daayo kubadda oo xooganayd.

Haddaba, jamaahiirta Man United oo kooxdooda saxeexa Shaqueel ka codsaday ayuu mid kamid ahi yidhi “Waxa uu raacayaa raadkii aabihii, lasoo saxeexda”

“Sidaas darteed marka uu inagu soo biiro waxa aynu ugu wacaynaa Shaq-ii casaa, hagaag?” ayuu yidhi taageere kale oo Red Devils ah oo kasii hadlay magaca ay ugu wici doonaan.

Mucaashaq kale oo Red Devils ah ayaa dareenkiisa ku muujiyay booska uu uga ciyaari karo kooxda isagoo ka hadlay garabka midig ee ay hadda doonayaan oo yidhi “Laakiin miyuu u ciyaari karaa ka garab midig ahaan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here