Mesut Ozil Oo Hadalkii Ugu Horreeyey Kasoo Yeedhay Tan Iyo Markii Laga Reebay Liiska Arsenal.

0
191

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil ayaa markii ugu horreysay hadlay tan iyo markii laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-geli doona tartanka Europa League ee uu tababare Mikel Arteta u gudbiyey UEFA.

31 jirkan khadka dhexe ayaan lagu soo darin liiska 25 ciyaartoy oo Arsenal ah oo Mikel Arteta uu shaaciyey, kooxdana uga qayb-geli doona tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaana maqnaanshaha ku wehelinaya difaaca reer Giriig ee Sokratis.

Intii uu furnaa suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaaga, ayaa waxa la sheegay in Arsenal ay si weyn u doonaysay in Ozil uu ka tago kooxda maadaama uu dhibaato dhinaca dhaqaalaha ku hayo oo toddobaadkii uu mushahar ahaan uga qaato lacag dhan £350,000 Gini.

Laakiin kaddib negaanshihiisa ee xili ciyaareedkan, Ozil laguma arki doono garoomada Yurub marka ay kooxdiisu ciyaarayso, waxaana kaba sii daran in la sheegayo in xataa aan lagu soo dari doonin ciyaartoyda kooxda ee horyaalka Premier League, taas oo haddii ay dhacdo noqon doonta in Ozil uu isagoo gurigiisa jooga iska qaato mushaharkiisa xad-dhaafka ah.

Mesut Ozil oo intii hore aamusnaa ayaa saacado kaddib markii ay Arsenal shaacisay liiskeeda, waxa uu soo fadhiistay baraha bulshada, iyadoo ay kasoo yeedheen kalmadihii ugu horreeyey.

Farriinta oo uu taageereyaashiisa kala socda baraha bulshada gaar ahaan Twitterka la wadaagay ayaa ahayd mid farxadeed oo uu dareenkooda kaga leexinayay waxa ay Arsenal ku samaysay, waxaanu la wadaagay farxad kale oo ah in dadka ku xidhan bartiisa Twitterku ay gaadheen 25 milyan oo qof.

Ozil ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa ku yidhi: “Tani waa wax cajiib ah! Aad baad u mahadsan yihiin 25ka milyan ee Follower ee Twitterka!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here