Xasuuqii Xulka Faransiisku U Geystay Ukraine, Labada Farxadood Ee Olivier Giroud.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka France ayaa xasuuqay dhiggiisa Ukraine oo ay isku haleeleen kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka qaranka ee Stade de France ee ku yaalla magaalada Paris.

Kulankan oo kabtan looga dhigay Olivier Giroud oo ay ahayd ciyaartiisii 100aad ee uu u safto France ayaa waxa uu kusoo dhamaaday bahdilaad loo geystay Ukraine oo lagu garaacay 7-1, iyadoo uu laba ka mid ah goolashana dhaliyey Olivier Giroud.

Daqiiqaddii 9aad ee ciyaarta ayuu da’yarka kooxaha badan doonayaan ee Eduardo Camavinga u furay gool-dhalinta xulka Faransiiska, waxaanu goolkaasi ahaa midkii ugu horreeyey ee uu dalkiisa u dhaliyo, iyadoo ay u ahayd ciyaartii saddexaad ee uu saftay.

Olivier Giroud oo ay habeenkiisii ahayd ayaa laba gool oo ay toban daqiiqadood oo kali ahi u dhaxeexyeen saxeexay qaybta hore, waxaana gool afraad ku qasbanaaday inuu iska dhaliyo difaaca reer Ukraine ee Vitalii Mykolenko oo xammili waayey culayskii ay xiddigaha Faransiisku saareen.

Qaybtii dambe oo uu Deschamps soo geliyey Kylian Mbappe, Pogba iyo Antoine Griezmann ayaa waxay la yimaaddeen saddex gool oo kale oo ay kaga sii jawaabeen gool madi ahaa oo Ukraine ay iska baadh-baadhay bilowga qaybta labaad.

Tolisso ayaa gool ku aftaxay, waxaana ku daray Mbappe ka hor intii aanu goolasha kulanka soo xidhin Griezmann.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here