Portugal Iyo Spain Oo Goolal La’aan Ku Kala Baxay, Cristiano Ronaldo & Sergio Ramos Oo La Kala Badbaadiyey.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaan isku soo gaadhin garoonka gudihiisa kulan saaxiibtinimo oo barbarro goolal la’aan ah ay ku kala baxeen waddamada Portugal iyo Spain.

Ciyaar fursado badan ay heleen Spain iyo Portugal oo ay iskugu diyaarinayeen kulamada UEFA Nations League ee toddobaadka dambe ayay 0-0 ku dhamaysteen, waxaana xiddigihii indhaha lagu hayay ee Ronaldo oo ciyaarta kusoo bilowday ay is-waayeen Sergio Ramos oo markii uu CR7 baxay lasoo geliyey.

Waddanka Spain ayaa ciyaarta inteeda badan maamulayay, waxaanay ku dhowaadeen inay marar badan goolka taabtaan, hase yeeshee Portugal ayaa waqtigii dhimashada waxay iyaguna qarka u saarnaayeen inay dabbaal-degaan gool ay libinta ku helaan kulankan oo ka dhacay waddankooda.

Shaxdii labada waddan kusoo galeen

SPAIN (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Sergi Roberto, Diego Llorente, Eric Garcia, Sergio Reguilon; Dani Ceballos, Sergio Busquets, Sergio Canales; Rodrigo Moreno, Gerard Moreno, Dani Olmo.

Kaydka: David de Gea, Pau Torres, Mikel Merino, Adama Traore, Jose Gaya, Sergio Ramos, Rodri, Ansu Fati, Ferran Torres, Jose Campana, Jesus Navas, Unai Simon.

PORTUGAL (4-3-3) Rui Patricio; Joao Cancelo, Pepe, Ruben Semedo, Raphael Guerreiro; Ruben Neves, Joao Moutinho, Renato Sanches; Cristiano Ronaldo, Andre Silva, Trincao.

Kaydka: Nelson Semedo, Ruben Dias, Bernado Silva, Bruno Fernandes, Anthony Lopes, Danilo Pereira, William Carvalho, Rafa, Nuno Sequeira, Diogo Jota, Rui Silva, Joao Felix.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here