Gabar Da’yar ah oo Hal Maalin Kaliya Reysal Wasaare ka Noqotay Waddanka Finland.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Finland wuxuu inta badan kaalmaha koobaad kaga jiraa dadaallada lagu simayo fursadaha ragga iyo haweenka.

Ra’iisul Wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa dadaal u gashay sidii lagu simi lahaa fursadaha ragga iyo haweenka, waxay gabadhan yar ee 16 jirka ah u ogolaatay in haal maalin ay Ra’iisul Wasaare ka noqoto dalkaasi.

Gabadhan la yiraahdo Aava Murto waxay kulan la qaadaneysaa siyaasiyiinta oo ay ka wada doodi doonaan xuquuqda haweenka iyo teknooloojiyadda.

Waxay tallaabadan imaaneysaa maalin ka hor xilliga la xuso maalinta xuquuqda gabdhaha oo ah olole caalami ah oo ay garwadeen ka yihiin ha’yado samafal oo qaabilsan xuquuqda carruurta.

Waa sanadkii afaraad ay Finland ka qeyb gasho qorshaha caalamiga ah ee ‘Awood siinta gabdhaha’ kaas oo u ogolaanayo gabdhaha da’da yar ee kasoo jeedo caalamka inay noqdaan hogaamiyeyaasha mustaqbalka iyo inay qaban karaan shaqooyin kale.

Sanadkan waxaa ololaha diiradda lagu saarayaa sidii gabdhaha ay u heli lahaayeen fursadaha dhanka teknooloojiyadda iyo Digital-ka, waxaana kamid ah waddamada ka qeybta ah barnaamijkaas Kenya, Peru, Sudan , Vietnam iyo dalal kale.

Waxaan ku faraxsanahay in aan halkan hadal ka jeediyo, si kastaba, haddii aan ka hadalno runta weli lama gaarin arrinta ku aadan in la simo fursadaha haweenka iyo ragga, inkasta oo aan wax badan ka qabanay arrintaas weli waxaa loo baahan yahay in howl badan la geliyo dadaalladaas” ayay tiri Aava Murto.

Gabadhan waxay si weyn ugu ololeyn jirtay in wax laga qabto isbaddalada cimilada iyo in haweenka la ilaaliyo xuquuqdooda, waxay kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Finlad waxayna ka wada hadleen fursadaha haweenka ee dhanka teknooloojiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here