Lionel Messi Oo Soo Xushay Shaxdiisa SHAN Geesoodka Ah

0
152

JOWHAR (Radio Isnaay) Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa soo xushay shaxdiisa riyada ee shan geesoodka ah isaga oo iska reebay isaga qudhiisu iyo waliba ciyaaryahanka la aaminsan yahay inay isku heerka yihiin ee Ctistiano Ronaldo oo Juventus ka tirsan.

Messi oo 33 sano jir ah ayaa aaminsan in isaga iyo Ronaldo ay yihiin labada ciyaaryahan ee dunida ugu fiican isla markaana sidaas darteed labadooda uga saaray shaxda.Taas bedelkeeda Leo aya shaxdiisan shanta ciyaaryahan ah u doortay saaxiibkiisii hore ee Neymar JR oo Paris Saint-Germain ka tirsan iyo isla saaxiibkiisii kale ee Luis Suarez oo hadda qayb ka ah Atletico Madrid.

Si lamid ah Neymar iyo Suarez, Leo ayaa soo xushay ciyaaryahan kale oo ay asxaab aad iskugu dhaw yihiin waana Sergio Kun Aguero oo ay xulka Argentina mudo dheer kasoo wada tirsanaayeen.

Arrinta kale ee xasaasiga ah ayaa ah inuu shaxda Leo kusoo baxay hal ciyaaryahan oo kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid ahi waana Eden Hazard oo wakhtigiisii ugu fiicnaa aan ku jirin.

Shaxdan yar ee shan geesoodka ah ayuu soo xidhayaa 21 sano jirka durtaba taariikhda weyn leh ee Kylian Mbappe oo kusoo guuleystay koobab uu koobka aduunku u muhiimsan yahay.

Messi oo Marca u warramay kaddib xulashadiisa shaxdan ayaa yidhi “Waxay ahayd wax wanaagsan in Cristiano Ronaldo lagu haysto La Liga sababtoo ah sharafta uu siin jiray”

“Marka laga yimaado aniga iyo isaga, ciyaaryahanada ugu wanaagsan dunidu waa Mbappe, Neymar, Hazard, Suarez iyo Kun (Aguero)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here