Donald Trump oo Cusbitaalka uga Soo Baxay si uu u Salaamo Taageerayaashiisa.

0
171

 Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo kooban ka maqnaa cisbitaalka sii uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka cisbitaalka lagu daaweynayay.

Madaxweynaha ayaa ku jiray gaari madow waxaan la arkayey isaga oo afka xiran islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray.

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha.

Mr Trump, oo lagu dhaliilay sida uu u maareeyay cudurkan safmarka ah, ayaa sidoo kale sheegay inuu wax badan ka bartay viruska.

Xaalada caafimaad Ee Madaxweyne Donald Trump ayaa soo wanaagsanaanysa kadib markii laga helay cudurka Korona waxaana laga yaaba in Maalinta isniinta cisbitaalka laga saaro, sida uu sheegay dhaqtarkiisa gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here