Leeds United Oo Barbarro Ku Qabatay Man City,iyo  Guardiola Oo Madax-xanuun Lagu Riday.

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Leeds United ayaa barbarro ku qabatay Manchester City oo ay ku martigelisay garoonkeeda Elland Road, kulan ay labada kooxoodba fursado badan iska lumiyeen.

Man City oo ciyaartii hore 5-2 lagaga soo adkaaday ayaa u dagaallamaysay inay kasoo kabato guul-darra Leicester u xambaarisay usbuucii hore, waxaanay u timid Leeds United oo garoonkeeda joogtay, isla markaana labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey soo guuleysatay.

Raheem Sterling ayaa ciyaarta ku furay gool qurux badan oo uu difaaca Leeds waabiyey ka hor intii aanu tooganin dhinaca bidix ee goolka oo kubbad dhulka socota uu ku hubsaday, waxaanay ciyaartu ahayd 1-0 illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 59aad, markaas oo Rodrigo oo beddel kusoo galay uu Leeds United u dhaliyey goolka guusha.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Ruben Dias, Aymeric Laporte, Benjamin Mendy; Kevin De Bruyne (c), Rodri, Phil Foden; Riyad Mahrez, Raheem Sterling, Ferran Torres.

Kaydka: Bernardo Silva, Nathan Ake, Zack Steffen, Fernandinho, Liam Delap, Cole Palmer, John Stones.

LEEDS UNITED (3-1-4-2): Illan Meslier; Luke Ayling, Robin Koch, Liam Cooper (c); Kalvin Phillips; Helder Costa, Mateusz Klich, Stuart Dallas, Ezgjan Alioski; Patrick Bamford, Tyler Roberts.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here