Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Dalab £70 Milyan Oo Gini & Amaah Iskugu Jira.

0
152

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ka jawaabtay dalab kasoo gaadhay Bayern Munich oo ka doonaysay laacibka garabka weerarka ee Callum Hudson-Odoi.

Bayern ayaa usoo bandhigtay Chelsea in heshiis amaah ah lagu siiyo Callum Hudson-Odoi xili ciyaareedkan, xagaaga dambena ay si rasmi ah ula wareegaan iyagoo £70 milyan oo Gini ka bixinaya.

Hudson-Odoi oo Chelsea ugu soo bilowday kulankii ay 4-0 ku karbaasheen Crytal Palace, bandhig fiicanna sameeyey ayaa sannad ka hor ay sidan oo kale usoo dalbatay Munich, waxaana doorkaas hore ay Chelsea u sheegtay kooxda reer Germany in aanu laacibkani iib iyo amaah midna ahayn.

Chelsea oo miiska uu u saarnaa dalabka cusub ee Bayern Munich ayaa go’aan buuxa ka qaadatay markii ay dhamaatay ciyaartii ay Crystal Palace guusha ka gaadheen, waxaanay Blues kaga jawaabtay in aanay aqbalayn dalabkaas maadaama aanu qodobka iibku soo horreynin. Laakiin Bayern ayay wararku sheegayaan inay dalab kale soo gudbin karto inta ka horreysa Isniinta oo uu xidhmayo suuqa iibka ee xagaagani.

Laacibkan 19 jirka ah ayuu warku sheegay in isaguna uu doonayo inuu iskaga tago Chelsea haddii aanu helaynin damaanad qaad buuxa oo ku saabsan boos joogto ah, si uu qayb uga noqdo xulka qaranka England ee Euro 2020 oo dib loogu dhigay sannadka dambe iyo Koobka Adduunka ee 2022.

Chelsea oo xagaagan lasoo saxeexatay xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Kai Havertz, Hakim Ziyech iyo Timo Werner, sidoo kalena haysata Mason Mount iyo Christian Pulisic ayaa la fahamsan yahay in aanay boos joogto ah u haynin Hudson-Odoi, ayna ogolaan karayso dalab lacageed oo laga soo gudbiyo ciyaartoygan iyadoo amaahda meesha laga saarayo.

Tababaraha Bayern Munich ee Flick oo wax laga weydiiyey Hudson-Odoi iyo xiisaha ay kooxdiisu u hayso ayaa amaan kula dul-dhacay da’yarkan, waxaanu ku tilmaamay mid tayo badan leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here