Xiddig Ay Jamaahiirta Man United Jeclaayeen Oo Magaalada Milano Ka Degay

0
162

JOWHAR (Radio Isnaay) Daafacii kooxda Manchester United ee Diogo Dalot ayaa ka degay madaarka magaalada Milano isaga oo heshiis amaah ah ugu biiraya kooxda ree Talyaani ee AC Milan oo heshiis buuxa kala gaadhay Manchester saxeexiisa.

Heshiiska uu Dalot ugu wareegayo dhinaca Milan ayaa ah mid amaah ah balse aysan kooxdaasi wax dookh ah u haysan inay heshiiskiisa joogto ka dhigto oo ay iibsato haddiiba ay rasmi ugu baahato.Maadaama uu isla hadda uun soo cago dhigtay Milano, Dalot ayaan tijaabada caafimaadka u mari doonin maanta AC Milan laakiin loo qorsheeyay inuu berrito maro.

Diogo ayaan fursad ku filan muddooyinkii ugu dambeeyay ka helin tababare Ole Gunnar Solskjaer oo inta badan booska daafaca midig u adeegsada Aaron Wan-Bissaka oo dookhiisa koowaad ah.

Sidoo kale macalinka ree Norway ayaa Dalot ka hormariyay Timothy Fosu-Mensah kulamada uu nasiimada u dirayo amaba uu dhaawacan yahay Wan-Bissaka taas oo dhalisay inuu da’yarka ree Portugal inuu amaah ku baxo go’aansado.

Dalot ayaysan AC Milan ahayn kooxda kaliya ee saxeexiisa doonaysay balse waxa dhinaceeda ka rabtay oo kula dagaalamaysay AS Roma oo isha ku haysay inay ku darsato Chris Smalling oo ay qudhiisa ka doonayso Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here