QIIMAYNTA Ciyaartoyda Kulankii Chelsea vs Palace, Bandhigii Saxiixyada Cusub

0
144

JOWHAR (Radio Isnaay)Kooxda Chelsea ayaa wadada guulaha kusoo laabatay kaddib markii ay 4-0 ku xaaqday dhigeeda London kala dhisan ee Crystal Palace oo marti ugu ahayd Stamford Bridge ciyaar ay shan kamida toddobada saxeex ee cusub ee Blues kusoo bilawdeen.

Chelsea ayaan soo guuleysan labadeedii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League halka ay sidoo kale Carabao Cup kaga hadheen gacmaha Tottenham iyagoo sidoo kale mari waayay Palace qaybtii hore.Bandhigii qaybtii dambe ee Chelsea ayaa ahaa mid weyn iyadoo xiddiga gaarka u tilmaaman uu ahaa Ben Chilwell oo caawin iyo gool sameeyay walow uu daafac bidix yahay waana wax aysan wali awoodin Timo Werner iyo Kai Havertz oo kulamo dhawr ah ciyaaray.

Goolasha kale ayay dhaliyeen Kurt Zouma oo madax ku dhaliyay karoos uu ka helay Chilwell iyo Jorginho oo laba qalad oo rigoore ahaa goolal u sarrifay.

Haddaba, qiimaynta xiddigihii labada kooxood ee kulankaas oo ay samaysay shabakadda xog ururinta ee Squawka ayay qiimayn isku mid ah heleen Zouma iyo Chilwell oo min 9 lagu qiimeeyay tobbankiiba.

Xiddiga Blues ee magaca weyn leh ee aan qiimyanta wanaagsan helin ayaa ah Timo Werner oo isagu ceebaysan maadaama oo uu kaliya 5 helay iyadoo ay 4 gool ku badisay kooxdiisu, Timo ayaa markale garab weerar ka ciyaaray oo ku aamusnaa garoonka dhexdiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here