Xiddig Ka Tirsan Manchester United Oo Tijaabada Caafimaadka U Maray Koox Kale.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Andreas Pereira ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda kubadda cagta Lazio, halkaas oo uu gaadhay maanta gellinkii hore.

24 jirkan reer Brazil oo kursiga kaydka Manchester United ku jiray intii uu yimid Bruno Fernandes ayay rajadiisu sii xumaatay markii ay Red Devils lasoo saxeexatay Donny van de Beek, waxaanu ugu dambayn iskaga baxay horyaalka Premier League, isaga oo sannad amaah ah qalinka ugu duugaya Lazio.

Andreas Pereira ayaa lagu sawiray magaalada Rome oo uu tijaabada caafimaadka ku marayo, waxaana baraha bulshada lasoo geliyey muuqaalladiisa iyadoo uu baadhitaanku ku socdo.

Manchester United ayaa xalay sii shaacisay in la filayo in Pereira uu ku biiro naadiga tababare Simone Inzhagi ee Lazio oo uu heshiis sannad ah ugu maqnaan doono.

Heshiiskan ayaa waxa ku jira qodob dhigaya in haddii Lazio ay u baahato Pereira muddada xili ciyaareedka ah ee uu ku sugan yahayna ay ku qanacdo, inay si rasmi ah ugula wareegi karto lacag dhan £24 milyan oo Euro marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Laacibkan ayaa United u saftay 75 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey afar gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo raadinaya ciyaartooyo cusub oo uu lasoo saxeexdo inta ka horreysa Isniinta oo uu suuqa iibku xidhmi doono, ayaa waxa ay u muuqataa inay quus ka taagan tahay Jadon Sancho laakiin waxa lala xidhiidhinayaa dhawr ciyaartoy oo kale oo uu ku jiro weeraryahanka Real Madrid ee Luka Jovic, garabka weerarka Barcelona ee Ousmane Dembele iyo kuwo kale.

Dhinaca kale, Red Devils waxay doonaysaa in kooxda ay u faaruqiyaan Chris Smalling, Marcos Rojo, Juan Mata, Phil Jones iyo Sergio Romero oo tababare Solskjaer uu u arko inay dheeraad ku yihiin, halka Daniel James laga yaabo inuu amaah ku baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here