Barcelona Iyo Ousmane Dembele Oo Heshiis Ka Gaadhay Manchester

0
179

JOWHAR (Radio Isnaay) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay isla qaateen laacibkeeda Ousmane Dembele inuu heshiis rasmi ah ugu wareego Manchester United haddii laga soo gudbiyo dalab rasmi ah, laakiin aanu ku bixi doonin heshiis amaah ah.

Man United ayaa bartilmaameedka ugu weyn ka dhiganaysa laacibkan haddii ay quus kasoo istaagaan Jadon Sancho oo ay wali ku rajo weyn yihiin, waxayna fursad u haysataa inta ka horreysa Isniinta oo ah waqtiga uu xidhmi doono suuqa iibka ciyaartoydu.Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu xidhay inuu bixiyo £108 milyan oo Gini haddii ay dhab ka tahay doonista Jadon Sancho, taas oo Red Devils ay ka warwareegtay inay bixiso maadaama ay ka cabanayaan dhaqaale xumo ka dhalatay caabuqa Korona ee dunida halakeeyey, garoomadana ka dhigay kuwo madhan tan iyo bishii March.

Laakiin waxay Manchester United raadisay ciyaartoy kale oo u buuxin kara kaalinta ay ka doonayso Jadon Sancho oo ay waliba kusoo qaadato si amaah ah, waxaana maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayay Dembele oo Barcelona ka tirsan, laakiin aan ku haysanin boos joogto ah.

Laacibka reer France ayaa la sheegay inuu doonayo inuu helo boos joogto ah si ay suurtogal ugu noqoto in loogu yeedho tartanka Euro 2020 ee dib loogu dhigay sannadka dambe, waxaanu ku riixayaa kooxdiisa in ay booskiisa u ballan-qaadaan ama ay naadi kale u diraan.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa Spain, Barcelona iyo xiddigeeda Ousmane Dembele ayaa ka wada-hadlay xiisaha ka imanaya Manchester United, waxaanay isla qaateen in kaliya uu ku bixi karo heshiis rasmi ah oo aanay amaah labadooda midna dan u ahayn.

23 jirkan ayay Barcelona doonaysaa in haddii Manchester United ay iibsato ay lacagta kasoo baxda ku doontaan Memphis Depay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here