Kulanka Xiisaha Leh ee Kooxaha Liverpool vs Arsenal ee Caawa.

0
191

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Markii labaad ee afar maalmood gudahood, kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa iskaga hor imanaya caawa gegida Anfield iyagoo ku dagaallami doona inay boos ka helaan wareega shanaad ee tartanka Carabao Cup.

Kooxda difaacanaysa Premier League ee Liverpool ayaa qabsatay kulankii ay labada dhinac iskaga hor yimaadeen Premier League Isniintii markaas oo ay 3-1 meel iskaga saareen dhigooda Arsenal.

Arsenal ayaa shaki la’aan horumar ku hoos samaysay tababare Mikel Arteta waana wax muuqda inay wadadii saxda ahayd hayso laakiin kulankii ay Isniintii booqdeen Anfield ayaa ahaa mid si dhab ah loogu qiyaasayay heerka ay taagan yihiin.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Saxeexa cusub ee Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa la filayay inuu kulankii Isniintii ugu soo bilaaban doono markii ugu horreysay shaxda kooxdiisa cusub balse u maqnaa sababta caabuqa Korona oo haleelay.

Sidaas darteed Alcantara ayaan soo laaban doonin ilaa kaddib kulamada caalamiga ah ee Usbuuca soo socda bilaabmi doona taas oo meesha ka saaraysa inuu caawa kasoo muuqdo kulanka.

Xiddigaha da’yarta ah ee kala ah Harvey Elliott, Neco Williams, Curtis Jones iyo Rhys Williams oo kasoo muuqday dhammaan wareegii hore ee kooxda Lincoln ay la ciyaareen ayaa markale filaya inay fursad helaan si lamid ah Van den Berg.

Diogo Jota ayaa rajayn doona inuu shaxda kulankan safka hore kasoo galo kaddib markii uu isaga oo bedel ah gool ka dhaliyay Arsenal toddobaadkan, si lamid ah xiddigaha weerarka ee Shaqiri iyo Origi oo labaduba shabaqa tagay wareegii hore.

Kulankan ayay u badantahay inuu deg-deg ku noqonayo xiddigaha dhaawaca kasoo kabanaya ee Jordan Henderson iyo Joel Matip halka Alex Oxlade Chamberlain uu gabi ahaanba maqnaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here