Duqa Magaalada Deveselu ee Dalka Rumaniya oo Nin Geeriyooday loo Doortay.  

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maayar u dhashay dalka Rumaaniya oo toddobaadyo ka hor u geeriyooday faayraska corona ayaa guul weyn ka soo hoyey doorashada deegaanka ee magaalada Deveselu ka dhacday.

Ion ayaa marki seddexaad loo doortay inuu noqdo Maayarka magaalada Deveselu oo ku taalla Koonfurta Rumaaniya isaga oo helay cod dhan 64%.

Mas’uuliyiinta doorashada dalkaasi waxay sheegeen Maayarka oo aan nooleyn in markale la doorto iney keentay sawirradi ololaha doorashada u ku galay oo magalada sidooda ugu dhajisan oo aan la qaadin geeridiisa kaddib.

Ion aliman ayaa ku geeriyooday caasimadda dalka Rumaaniya Bucharest 15-kii bishan September.

Mas’uuliyiinta doorashada ugu sarreysa oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegeen marki la ogaaday guusha iney raacday maayarka aan nooleyn in la qabtay doorasha labaad balse dadka deegaanka waxay booqdeen qabriga maayarka geeriyooday si ay ixtiraam ugu muujiyaan.

Muuqaal baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya dad aad u tira badan oo booqasha ku tagay halka lagu aasay Mr Aliman.

Muuqaal laga soo duubay shacabka booqashada ku tagay qabriga maayarka geeriyooday waxaa lagu arkayey mid ka mid ah shacabka oo leh Mr Aliman ‘Waa Guushaadi”.

“Wuxuu inoo ahaa Maayar aad u wanaagsan,” ayey tiri haweney u warrantay talefishiinka maxalliga ee ProTV oo ay soo xigatay wakaaladda wararaka ee Reuters.

“Wuxuu garab u ahaa magaalada oo dhan, wuxuuna ixtiraami jiray sharciga. Uma maleynayo inaan heli doonno maayar isaga la mid ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here