Brighton vs Man United iyo Ole Oo Imtixaan Kale Maraya.

0
211

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afar maalmood kaddib kulankoodii horyaalka Premier League ee ciyaarta oo dhamaatay ay Manchester United heshay rikoodhaha uu VAR u go’aamiyey ayay mar kale Brighton garoonkeeda ku martigelinaysaa Red Devils, waxaana doorkan ay ku dagaallamayaan midkoodii u gudbi lahaa wareegga shanaad ee tartanka EFL Cup ama Carabao Cup, kaas oo ay hore iskaga sii xaadirisay Tottenham oo rikoodheyaal kusii garaacday Chelsea.

Garoonka Amex Stadium ayaa mar kale hoy u noqonaya Brighton iyo Man United toddobaad gudihii, waxaase ay kooxda martida loo yahay ogtahay inay ciyaar tayadeedu sarrayso ku muquunisay United ka hor intii aanu VAR uga hiilin garsooraha oo afuufay siidhiga dhamaadka.

Solskjaer ayaa isbeddel ku samayn doona safkiisa, waxaana la filayaa inuu fursad siin doono ciyaartoyda aan booska joogtada ah haysanin, laakiin kulanka oo adag dartii, waxa uu keeni doonaa ciyaartoydiisa waaweyn qaarkood, si uu u adkeeyo khadka dhexe, difaaca iyo xataa weerarka, sababtoo ah, Brighton ayaa ah koox adag oo awood u leh inay iska dhiciso sidii kulankoodii hore oo kale.

Tababare Graham Potter ayaan waxba ula hadhi doonin ciyaartan si uu uga mid noqdo siddeeda kooxood ee iska xaadirinaya wareegga shanaad, isla markaana iskaga maydho labadii guul-darro ee kasoo gaadhay horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan oo Chelsea iyo Man United ay ka badiyeen.

Waxa kale oo ay Brighton u dagaallamayaan sidii ay usoo celin lahaayeen rikoodhkii ugu wanaagsanaa ee ay ka sameeyeen tartankan, waxaanay ahayd xili ciyaareedkii 1978-79 marka kaliya ee ay dhaaftay wareegga afarta.

Laakiin Manchester United oo uu saaran yahay culays weyn oo ah inay horyaalka Premier League kasoo yarayso farqiga Liverpool iyo Manchester City ka horreeyaan, ayaa waxay iyaguna dhinacooda u halgamayaan inay ka mid noqdaan siddeeda ugu dambeeya, isla markaana ay guul labaad kala tagaan Amex afar maalmood gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here