Hordhac: Tottenham vs Chelsea Mourinho vs Lampard – Dagaalka Macallinka & Ardaygiisa.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tottenham ayaa garoonkeeda ku ciyaaraysa markii labaad muddo shan maalmood gudahood ah, waxaanay caawa ku martigelin doontaa Chelsea oo ay ku ballansan yihiin wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup, kaas oo midkooda laga badiyo uu si toos ah uga hadhi doono tartanka.

Labada kooxood ayuu kulankani ugu soo beegmay xilli ay ku jiraan toddobaad xun oo ay kulamadoodii horyaalka Premier League mid walba barbarro soo gashay, laakiin kooxda tababare Jose Mourinho oo usbuucii kasii horreeyey dhoolatus weyn samaysay ayaa ku niyadsan in garoonkeeda ay qaab dhismeedkiisa la qabsatay uu caawin doono, inkasta oo aanay jirin jamaahiirtii qaylada ku garab taagnaan jiray.

Jose Mourinho iyo Frank Lampard ayuu culays weyni saaran yahay, waxaana midkooda guul-darro usoo hoyato caawa sii xumaan doonta rajadiisa iyadoo ay isasoo tarayaan baaqyo ka imanaya jamaahiirta oo lagu dalbanayo in shaqada laga caydhiyo, taas oo kusii badan Frank Lampard oo lacag badan suuqa geliyey.

Tottenham waxay Axaddii barbarro 1-1 ah la gashay Newcastle United iyada oo joogta isla garoonkeeda caawa lagu ciyaarayo, waxaana daqiiqaddii ugu dambaysay laga dhaliyey rikoodhe, laakiin wareeggan Carabao Cup ayay usoo baxday iyadoon ciyaarin oo ay baaqatay kulankii ay kula ballansanaayeen Leytown Town usbuucii hore oo Spurs ay tartanka Europa League la ciyaartay Maccabi Haifa.

Chelsea ayaa dhinaceeda barbarro ay waliba helitaankiisa u dagaallameen ay kusoo kala baxeen West Brom oo 3-0 qaybtii hore ku hoggaaminaysay, laakiin Tammy Abraham ayaa waqtigii dheeraadka ahaa u dhaliyey goolka dhibicda u badbaadiyey, waxaanay sidaas ku noqotay kooxdii ugu horreysay Premier League tan iyo February 2011 ee iyadoo 3-0 qaybta hore lagu hoggaaminayay haddana barbarro keenta ee ka badbaada guul-darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here