Luis Suarez Oo Wacdaro Taariikh Layaableh ugu Jawaabay Maamulkii Barcelona ee Xushmad Darada Ku Diray.

0
158

Jowhar – (Radio Isnaay) – Luis Suarez ayaa rekoodh taariikhi ah oo aan qarnigan 21 aad laga diwaan galin kooxda Atletico Madrid waxa uu ka sameeyay kulankiisii ugu horeeyay ee uu kooxda Atletico uga soo muuqday horyaalka La Liga.

Suarez ayaa Ronald Koeman iyo maamulka Barcelona tusay sida ay ugu qaldanaayeen in ay dabada la laageen oo ay qasab kaga direen Camp Nou waxaana la filayaa in uu noqon karo mid xaalad adag kooxdiisii hore ku abuuri kara marka uu Atletico Madrid kaga hor yimaado.

Haddaba maxay tahay taariikhda aan qarnigan 21 aad loo diwaan galin kooxda Atletico Madrid ee uu Luis Suarez magiciisa ku suntay kulankiisii ugu horeeyay ee uu kooxdan u ciyaaray?

Luis Suarez ayaa laba gool ka dhaliyay isla markaana gool kale caawin ka sameeyay kulankii ay kooxdiisa cusub ee Atletico Madrid gumaadka 6-1 ka ahaa u gaysatay kooxda Granada, waana labada gool iyo gool caawinta uu taariikhda ku sameeyay.

Suarez ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee kulankiisii ugu horeeyay ee La Liga ee Atletico Madrid goolal dhaliyay isla markaana caawin sameeyay intii lagu jiray qarnigan 21 aad.

Ma jiro ciyaartoy garanka kooxda Atletico Madrid soo xidhay qarnigan 21 aad oo kulankiisii ugu horeeyay gool ka dhaliyay isla markaana caawin ka sameeyay waana rekoodhka lagu xusuusan doono Luis Suarez.

Suarez ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Atletico Madrid dhaliyay daqiiqadii 85 aad ee kulankii Granada laakiin waxa uu goolkiisa labaad raacsaday daqiiqadii 93 aad balse waxa uu hore u soo caawiyay mid ka mid ah afartii gool ee kale ee ay Atletico Madrid dhalisay.

Suarez ayaa caawiye ka ahaa goolkii Llorente laakiin sidoo kale Suarez ayaa abaal gudka caawintiisa ka helay Llorente kaas oo isna Suarez ka caawiyay mid ka mid ah labadiisa gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here