Jowhar – (Radio Isnaay) – Barcelona ayaa kooxda Villarreal xasuuq xun ugu bilawday horyaalka La Liga iyada oo Ronald Koeman uu waayihiisa tababaranimo ee Barca uu si layaableh ku bilawday. Ansu Fati ayaa laba gool oo deg deg ah Barca u dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta.
Laakiin Fati ayaa markale sabab u noqday in Villarreal rekoodhe lagu dhigay isla qaybtii hore ee ciyaarta waxaana rekoodhahan gool u badalay Lionel Messi.
Goolka afraad ee Barcelona oo dhamaadkii qaybtii hore yimid ayaa ahaa mid uu iska dhaliyay difaaca Villarreal ee Pau Torres.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa inta ugu badan ahayd mid muujinaysay in natiijada ciyaarta qaybtii hore la sii go’aamiyay. Barcelona ayaa 4-0 ugu awood sheegatay kooxda Villarreal oo niyadjab xun xili ciyaareedka ku bilaabatay.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN
VILLARREAL (4-4-2): Sergio Asenjo; Mario Gaspar, Raul Albiol, Pau Torres, Pervis Estupinan; Samuel Chukwueze, Dani Parejo, Francis Coquelin, Moi Gomez; Gerard Moreno, Paco Alcacer.
Kaydka: Ramiro Fuenes Mori, Carlos Bacca, Vicente Iborra, Geronimo Rulli, Manu Trigueros, Takefusa Kubo, Jaume Costa, Lanchi, Alex Baena, Fernando Nino.
BARCELONA (4-2-3-1) Neto; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergio Busquets, Frenkie de Jong; Lionel Messi, Philippe Coutinho, Ansu Fati; Antoine Griezmann.
Kaydka: Carles Alena, Miralam Pjanic, Ousmane Dembele, Rafinha, Pedri, Trincao, Junior Firpo, Inaki Pena, Riqui Pugi, Ronald Araujo, Santiago Ramos, Arnau Tenas.