Real Madrid oo Guushii Koowaad Ee Xili Ciyaareedka Ka Heshay Real Betis.

0
198

Jowhar – (Radio Isnaay) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guusheedii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan waxay ka gaadhay Real Betis oo ay marti u ahayd kuna soo garaacday 3-2.

Los Blancos oo koobka difaacanaysa, ciyaartii horena barbarro goolal la’aan ah kusoo kala baxeen Sociedad ayaa guushan ay u horseedeen Vede Valverde iyo Sergio Ramos oo min hal gool u dhaliyey iyo midka saddexaad oo ay iska dhaliyeen difaaca Real Betis.

Labada gool ee ay Betis la timid ayaa waxa u dhaliyey Aissa Mandi iyo Willian Carvalho oo qaybtii hore min hal gool dhaliyey.

Real Madrid ayaa yeelatay afar dhibcood oo ay ka urursatay labadii ciyaarood ee ay dheeshay.

Shaxdii labada kooxood

REAL BETIS (4-2-3-1): Joel Robles; Emerson, Aissa Mandi, Marc Bartra, Alex Moreno; William Carvalho, Guido Rodriguez; Nabil Fekir, Joaquin, Sergio Canales; Antonio Sanabria.

Kaydka: Daniel Rebollo, Paul Akouokou, Martin Montoya, Aitor Ruibal, Borja Iglesias, Juanmi, Fran Delgado, Victor Ruiz, Cristian Tello, Sidnei, Loren Moron.

REAL MADRID (4-4-2): Thibaut Courtois; Daniel Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Federico Valverde, Casemiro, Toni Kroos, Martin Odegaard; Karim Benzema, Luka Jovic.

Kaydka: Lucas Vazquez, Rodrygo, Diego Altube, Alvaro Odriozola, Luka Modric, Isco, Vincius Junior, Andriy Lunin, Borja Mayoral, Nacho.

Zinedine Zidane ayaa kusoo galay shax uu isbeddel badan ku sameeyey, waxaanu keenay Casemiro, Valverde iyo Jovic, isaga oo kaydka dhigay Modric, Vinicius iyo Rodrigyo, laakiin macallinka Real Betis ee Manuel Pellegrini oo ogsoonaa in saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Real Madrid ay wada ciyaareen aan laga badinin ayaa waxa uu jeenay Robles iyo Sanabria iyadoo uu kaydka dhigay Claudio Bravo iyo Iglesias.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here