Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo La Magacaabay.

0
166

Jowhar – (Radio Isnaay) – Madaxwaynaha Mareykankanka Donald Trump aya u soo xulay Amy Coney Barrett, in ay noqoto garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka.

Madaxwayna Trump oo hadal jeedinayay iyada oo ay barbar fadhido Amy Coney Barrett aya waxaa uu ku tilmaamay “haweeney guulo waawayn gaartay “.

Haddii ay aqalka sanetka ansixiyaan ayaa waxay garsoore Barrett badali doontaa Ruth Bader oo dhawaan geeriyootay iyada o ay da’deeda ahayd 87 sano jir.

Soo xulidda uu maadaxwayne Trump u soo xulay haweeneydan ayaa waxay aqalka Sanetka ka dhex dhalin doontaa dood xooggan xilli doorashada madaxwaynanimada Mareykanka ee bisha November ay fooda inagu soo hayso.

Amy Coney Barrett oo hadal jeedisay ayaa madaxwaynaha uga mahadcelisay soo xulidda uu u soo xulay inay noqoto garsooraha maxkamda ugu sareysa Mareykanka.

Dhanka kale xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay si wayn uga soo horjeedsadeen soo xulidda garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka loo soo xulay Mrs Barrett .

Musharaxa madaxwaynanimada ee xisbiag dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa ugu baaqay aqalka Sanetka in aysan u codeyn soo xulidda Mrs Barrett ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxwaynanimadaa ee bisha November.

Waxaa uu Mr Biden ka digay in Trump uu doonayo in uu burburiyo caafiamadka dadwaynaha gaar ahaan adeedgga ceymiska caafimaadka ee Obamacare.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa darbadiiba bilaabay inay xiriir la sameeyan sanatarada xisbiga Jamhuuriga sida ay ila wareedyo u sheegeen Telefishinka CBS.

Mrs Barrett ayaa haddii la bilaabo geedi socodka ansixinteeda hortagi doonta guddiga garsoorka oo ay xubnihiisa ka mdi yihiin 22 ka tirsan xisbiga jamhuuriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here