Chelsea Oo Bar barro Dirqi ah La Gashay West Brom.

0
185

Jowhar – (Radio Isnaay) – Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa barbarro dirqi ah oo ay xilli dambe u dagaallantay waxay la gashay West Brom oo ay ku kala baxeen 3-3.

Chelsea ayaa lagaga yaabsaday saddex gool oo darandoori ah oo 27kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ee ciyaarta ay West Brom ka dhalisay, waxaase ay isasoo habaysay qaybtii dambe oo ay iska soo celisay goolasha laga dhaliyey, hase yeeshee Tammy Abraham ayaa shimbirkooda noqday daqiiqaddii ugu dambaysayna u dhaliyey goolka u badbaadiyey dhibicda.

Daqiiqaddii 4aad ayay West Brom dhalisay gool uu lugta bidix u adeegsaday Robinson oo mid kalena ku daray daqiiqaddii 25aad oo uu ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo ciyaartii ugu horreysay ugu soo bilowday Chelsea. Laba daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay West Brom la timid gool saddexaad oo uu u saxeexay Kyle Bartley.

Qaybtii dambe ayay Chelsea si weyn u shaqaysay, iyadoo uu Lampard sameeyey isbeddel dhinaca taatikada iyo safkiisa ah, waxaana goolka koowaad u saxeexay Mason Mount, ka hor intii aanu Callum Hudson-Odoi mid labaad u dhiibin.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Chelsea u dabbaal-degtay dhibicda kaliya ee ay ciyaartan ka heleen, waxaanu ahaa gool uu daqiiqaddii 93aad u dhaliyey Tammy Abraham.

Chelsea ayaa saddexdii ciyaarood ee ay dheeshay waxay ka haysataa afar dhibcood, waxaanay lumisay shan dhibooc oo ahaa labada ay barbarraha caawa ku waayeen iyo saddexdii ay Liverpool ka qaadatay usbuucii hore.

Shaxdii labada kooxood

CHELSEA (4-3-3): Willy Caballero; Reece James, Andreas Christensen, Thiago Silva, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Mason Mount; Kai Havertz, Tammy Abraham, Timo Werner.

Kaydka: Kepa Arrizabalaga, Jorginho, Ross Barkley, Fikayo Tomori, Olivier Giroud, Callum Hudson-Odoi, Cesar Azpilicueta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here