Boqortooyada Sacuudiga oo Ka Hadashay Qaabka Gudashada Acmaasha Cumrada.

0
170

Jowhar – (Radio Isanaay ) – Dowladda Sacuudiga ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dib loo bilaabi doono Cumrada oo muddo toddoba bilood ah aan la gudan.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudi Carabiya, Saalax Benten, ayaa sheegay in wasaaraddu ka baaraan-degayso qorshe saddex waji ah oo lagu soo celinayo acmaasha Cumrada, sida ay ku warameen warbaahinta dowladda.

Wajiga koowaad ayaa lagu bilaabi doonaa dadka ku nool gudaha Sacuudiga waxaana gudashada Cumrada la bilaabi doona a 4-ta bisha dambe ee October, iyada oo Muslimiinta caalamkana loo fasixi doono 1-da November ee sanadkan.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu wali dunida fara ba’an ku hayo cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here