Suarez oo Gaadhay Madrid & Waqtiga Uu Tijaabada Caafimaadka U Marayo Atletico Madrid.

0
166

Jowhar – (Radio Isnaay) – Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa gellinkii hore ee maanta oo Jimce ah ka degay garoonka diyaaradaha Barajas Airport ee Magaalada Madrid, halkaas oo ay kasoo qaadeen baabuur ay u diyaarisay Atletico Madrid.

Suarez ayaa Khamiistii shalay ku macasalaameeyey ciyaartoyda, maamulka iyo jamaahiirta Barcelona kaddib markii ay labada kooxood gaadheen heshiis habeenkii Arbacada, taas oo soo afjartay muddo lix sannadood ah oo uu gool-dhaliyahani ku joogay garoonka Camp Nou.

Luis Suarez ayaa tijaabada caafimaadka u maraya Atletico Madrid isla maanta oo Jimce ah, waxaanu si toos ah tababarka ula bilaabi doonaa ciyaartoyda kooxdiisa cusub haddii uu ka gudbo baadhitaanka oo xaaladdiisa caafimaad ay taam noqoto.

Atletico Madrid ayaa hore booska uga sii saartay Alvaro Morata oo tegay Juventus, waxaana lambarkiisii la wareegaya Suarez.

Sida uu qoray wargeyska Marca, laba tababar ayuu la qaadan doonaa Suarez ka hor inta aanu u safanin kulankiisa ugu horreeya noqon doona ciyaarta Granada ay waajihi doonaan Axadda, .

Tababare Diego Simeone ayaa daraasayn doona taam ahaanshaha jidheed ee Suarez maadaama aanu muddo dheer ciyaarin, tababarkana uu ku qaadan jiray meel gaar ah oo uu Ronald Koeman ka faquuqay kooxdiisa.

33 jirkan reer Uruguay ayaa waxay Wanda  Metropolitano ku midoobi doonaan laacibka ay isku kooxda yihiin ee Jose Maria Gimenez oo karantiil ku maqan kaddib markii uu ku dhacay Korona Fayras.

Si kastaba, Luis Suarez ayaa la arki doonaa haddii uu bandhiggii wanaagsanaa ee Barcelona ku muujin doono waayihiisa cusub ee Atletico Madrid, iyadoo uu fursad u heli doono inuu ka hor yimaaddo kooxdiisa ee Barca iyo Real Madrid oo markii horeba uu xafiiltan weyni ka dhaxeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here