Jowhar – (Radio Isnaay) – Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay waayi doonto isku-xidhihii khadka dhexe iyo difaaca kulanka saddexaad ee horyaalka Premier League ee Isniinta ay ku ballansan yihiin Arsenal.
Liverpool oo labadii ciyaarood ee hore soo guuleysatay ayaa waxay doonaysaa inay ka aargoosato Arsenal oo laba jeer oo ay iska hor yimaaddeen intii uu Arteta joogay marna ka adkaaday marna barbarro ku qabatay, iyadoo koobka Community Shield ay dhamaadka bishii hore rikoodheyaal kaga guuleysatay Arsenal.
Kulankii ay Liverpool toddobaadkan guusha weyn ka gaadhay Chelsea, waxa waqtigii nasashada la beddelay kabtan Jordan Henderson oo lagu soo beddelay Thiago Alcantara oo rikoodh ka sameeyey garoonka Stamford Bridge.
Henderson oo dhaawac soo gaadhay ayaa seegi doona ciyaarta ay Isniinta ku ballansan yihiin Arsenal, sida uu sheegay tababare Jurgen Klopp oo warbaahinta la hadlay Jimcihii maanta.
Waxa kale oo Liverpool ka maqnaa kulankii Chelsea, difaaca reer England ee Joe Gomez oo booskiisa uu ka ciyaaray Fabinho maadaama uu Jol Matip dhaawac muddo dheer ah ku maqnaa.
“Joe Gomez maanta ayuu tababarka kusoo laabanayaa, waa sida uu qof waliba ii sheegay. Billy oo carruur ah ayaa isaguna tababaraya. Joel Matip waa maya. Hendo wali diyaar maaha, ciyaartana wuu ka maqan yahay hubaashii.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp.
Maqnaanshaha Henderson ayaa waxay fursad u noqonaysaa Thiago Alcantara oo kulankii ugu horreeyey ugu soo bilaaban doona Liverpool kaddib markii uu beddel kusoo galay qaybtii dambe ee kulankii Chelsea.
Laacibka reer Spain oo £20 milyan oo Gini ay Reds kagala soo wareegtay Bayern Munich ayaa waxa uu Klopp xaqiijiyey inuu diyaar u yahay inuu ciyaartan kusoo bilowdo, waxaanu yidhi: “Isaga ayaa u sharraxan.”