Dowladda Uk oo Billad Dahab ah Gudoonsiisay Jiir 7 Sano Jir ah.

0
199

Jowhar – (Radio Isnaay) – Jiir weyn oo laga qaaday Afrika ayaa la guddoonsiiyay abaal marin caalami ah kaddib markii lagu guuleystay in loo adeegsado miino baarista.

Jiirkan oo lagu magacaabo Magawa waxaa loo adeegsaday in lagu soo saaro ilaa 39 miinooyin ah iyo 28 hub aan qarxin .

Ha’yad samafal oo qaabilsan xaananada xoolaha ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa bilad dahab ah ku abaal marisay jirkan, waxay sheegtay in loo adeegsaday baarista miinooyin halis ah oo laga soo saaray Cambodia.

Shaqadiisa oo aheyd badbaadinta nolosha gaar ahaan deegaanada uu kasoo saaray miinooyinka halista ah ee dalka Cambodia” sida ay sheegtay ha’yadda PDSA.

Jiirkan wuxuu uriyaa miinooyinka iyo qaraxyada.

Biladda ha’yadda samafalka ee PDSA ay siisay jiirkan waxaa ku qornaa “Xayawaanka geesiga ah ee shaqada sida daacadda ah u qabtay”, ilaa 30 xayawaan ayaa abaal marin la siinayay balse waxaa ugu horreeyay jiirka oo ku muteystay shaqada miino baarista.

Jiirka oo da’diisu lagu sheegay 7 jir waxaa lagu soo tababaray dalka Belgium- waxaana gacanta ku heysaa ha’ayad samafal oo la yiraahdo Apopo oo uu fadhigeedu yahay Tanzania- waxaana loo yaqaana ‘Jiirka halyeeyga ah’ , waxaa loo adeegsan jiray baarista miinada iyo dadka qabo cudurka qaaada tan iyo sagaashamaadkii.

Sharaf ayay inoo tahay in aan helno biladda noocan ah” waxaa sidaas yiri madaxa fullinta ee ha’yadda Apopo, Christophe Cox xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee PA .

Wuxuu intaas ku daray “Waa tallaabo micno weyn ugu fadhido shacabka Cambodia iyo guud ahaan caalamka oo la daalaa dhacaya dhibaatooyinka ka dhasha miinooyinka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here