Luis Suarez oo Si Rasmi ah Ugu Wareegay Atletico iyo Lacagta Uu Ku Baxay.

0
177

Jowhar – (Radio isnaay) – Atletico Madrid ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah Barcelona ugala soo wareegtay weeraryahanka reer  Uruguay ee Luis Suarez oo ay kusoo qaadatay heshiis xor ah oo ay la socdaan lix milyan oo Euro oo ay ku bixin doonto siyaabo kala duwan, kuwaas oo ku xidhnaan doona  bandhiggiisa ciyaartoy ahaan.

Suarez iyo Barcelona ayaa isla in la kansalo qandaraaskii u dhexeeyey ee sannadka ahaa si uu laba sannadood oo heshiis ah ugu tago Atletico Madrid oo uu qalinka ugu duugay qandaraas uu garoonka Estadio Wanda Metropolitano kaga ciyaari doono.

Weeraryahankan ayaa sannadkii mushahar ahaan uga qaadan doona Atletico sagaal milyan oo Euro oo aanay cashuuri la soconin, waxaanu ka hoos shaqayn doonaa tababare Diego Simeone oo raadinayay weeraryahan dilaa ah oo ay u fududahay dhalinta goolashu.

Laacibkan ayaa Atletico u xidhxidhay markii ay Juventus ka gaabisay heshiis ay isaga kula wareegi lahayd oo ay wada-hadalladooduna u socdaan, waxaanay kooxda Talyaanigu ka door-bidday Alvaro Morata oo ay amaah kaga qaadatay Atletico oo iyaduna booska usii sallaxday Suarez oo 283 ciyaarood oo uu u saftay Barcelona ugu soo dhaliyey 198 gool lixdii sannadood ee uu Camp Nou joogay.

Tan iyo markii uu Suarez uga soo wareegay Liverpool sannadkii 2014kii, waxa uu Barcelona kula guuleystay afar horyaal oo LaLiga ah, hal Champions League, afar Copa del Rey, hal UEFA Super Cup, hal Club World Cup iyo laba Spanish Super Cup ah, halka uu isaguna abaal-marinta gool-dhalinta ee Pichichi Trophy uu gacanta ku dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here