Liverpool oo Qarka u Saaran In Man United ay Ku Garaacdo Weeraryahan Halis ah.

0
144

Jowhar – (Radio Isnaay) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa qarka u saaran saxeexa weeraryahankii labaad hal usbuuc gudihii kaddib markii ay toddobaadkan horraantiisii lasoo saxeexatay gool-dhaliyaha reer Portugal ee Diogo Jota oo ay kala soo wareegtay Wolves.

Liverpool oo aamusnaan kaga jirtay suuqa iibka ciyaartoyda bilihii hore ayaa dardar lasoo gashay Jimcihii iyo Sabtidii oo ay ku dhawaaqday heshiisyada Thiago Alcantara iyo Digo Jota, waxaanay maalmo gudahood ku dhow yihiin inay dhamaystiraan heshiiska weeraryahan kale oo halis ah oo ay kooxo badan indhaha ku hayeen.

Tababare  Jurgen Klopp oo ka shaqaynaya sidii ay kooxdiisu u difaacan lahayd horyaalka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysteen kaddib soddon sannadood oo ay ka qatanaayeen, ayaa waxa la sheegay in kooxdiisu ay hadda heshiis dhinaca lacagta ah la gaadhay naadiga dhowaanta heerka koowaad ka dhacay ee Watford oo ay ka doonayso weeraryahanka da’da yar ee reer Senegal ee Ismaila Sarr.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee France Football ee bixiya abaal-marinta Ballon d’Or, kooxda Liverpool waxay heshiis la gaadhay Watford oo ay isla  qaateen in £36 milyan oo Gini ay ka bixiso Ismaila Sarr, isla markaana uu u dhaqaaqo Anfield inta aanu xidhmin suuqa xagaagan ee ay labada toddobaad ka hadhsan yihiin.

Ismaila Sarr oo tartan xooggan la geli doona laacibiinta afka hore ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo midkooda uu fursad u helo uu leeyahay awooddii uu ku garbin lahaa, ayaa waxay Jurgen Klopp siinaysaa kala doorasho wanaagsan iyo haddii uu midkood dhaawacmo laacibiintiisa ragliga ah oo uu isticmaali karayo Jota iyo Sarr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here