Kooxda Man United oo Xalay  Guul Weyn Ka Gaartay Koox Heerka Labaad ah.

0
164

Jowhar – (Radio Isnaay) – Manchester United ayaa u soo gudubtay wareega afaraad ee Carabao Cup ka dib markii ay guul 3-0 ah ka gaareen kooxda heerka labaad ee Luton Town FC oo marti loo ahaa.

Gool rigoore ah uu dhaliyay Juan Mata dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta iyo goolal ay dhaliyeen Marcus Rashford iyo Mason Greenwood dhamaadkii ciyaarta ayay Manchester United kaga badisay kooxda Luton oo iska caabin difaacasho ah muujisay.

Man United waxay wareega afaraad la ciyaari doontaa midkii soo baxda kooxaha Brighton iyo Preston North End oo habeend danbe ciyaaraya.

Ad by Valueimpression

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbedel badan ku sameeyay shaxdiisa isagoo keyd dhigay inta badan xiddigihiisa waa weyn laakiin waxa uu soo safay shax adag oo uu kala hortagay kooxda heerka labaad ee Luton.

Saxiixa cusub Donny van de Beek ayaa mar kale ku soo bilowday shaxda Man United halka goolhaye Dean Henderson la siiyay fursadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu ka soo laabtay amaahdii uu ku joogay Sheffield United.

Luton: Shea, Kioso, Lockyer, Bradley, Norrington-Davies, Clark, Tunnicliffe, Moncur, LuaLua, Hylton, Shinnie.

Subs: Cranie, Pearson, Cornick, Lee, Sluga, Mpanzu, Collins.

Man Utd: Henderson, Wan Bissaka, Bailly, Maguire, Williams, Fred, Matic, Mata, van de Beek, Lingard, Ighalo.

Subs: Rashford, Greenwood, Grant, Bruno Fernandes, Dalot, James, Mengi.

Manchester United ayaa dabcan gacanta sarre ka heysatay kooxda heerka labaad bilowgii ciyaarta iyadoo Lingard uu helay fursadii ugu horeysay ka hor inta uusan goolhaye Shea fursad gool loo fishay ka bixinin Juan Mata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here