Quburo masaari ah oo Soo Saaray Naxashyo Aasnaa in ka badan Laba Kun oo Sano.

0
163

Jowhar – (Radio Isnaay) – Ilaa 27 naxash ah oo duugnaa in ka badan 2,500 oo sano ayaa waxaa dib usoo saaray khuburro u dhashay Masar.

Waxaana naxashyadan lagu arkay goob taariikhii ah oo muqaddas ah ku taalla deegaanka Saqqara oo dhaca koonfurta magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Waxaana horraantii bishan la soo saaray 14 kamid ah naxashyadaas halka 14-ka kalena lagu raad joogay, sida ay sheegeen sarakaiisha Masaarida.

Waxay khuburadda ku tilmaameen in uu kamid yahay ‘waxyaabihii ugu weynaa ee taariikhiga ah ee hal mar la helo’

Sawirrada ay baahiyeen waxay muujinayaan naxashyada oo lagu dahaaray waxyaabo dhal dhalaayo.

Deegaanka Saqqara waxaa muddo ka badan 3,000 sano ay aheyd goob qabuuro ah, waxaana aqoonsatay ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan dhaqanka ee Unesco.

Daraasado hore waxay muujinayeen in guud ahaanba naxashyadan ay xirnaayeen oo aanan la furin tan iyo intii la duugay” waxaa sidaas yiri wasiirka dhaqanka iyo arrimaha aathaarta Masar.

Bayaan kasoo baxay wasiirka arrimaha aathaarta Masar, Khaalid Al Anani ayaa lagu sheegay in markii hore ay dib u dhigeen in la shaaciyo guushan taariikhiga ah si uu booqdo goobta si uu ugu mahadceliyo shaqaalaha howsha adag ku bixiyay sidii ilaa 11 Miitar dhulka hoostiisa ay uga soo saari lahaayeen naxashyada.

Bishii Nofembar ee sanadkii 2018-kii ayay aheyd markii Masar ay markii ugu horreysay deegaanka Saqqara ka soo saartay waxyaabo taariikhii ah oo ku aasnaa goobtaas.

Deegaanka Saqqara wuxuu 30 kiiloomiitar dhinaca koonfureed kaga beegan yahay magaalada caasimadda ah ee Qaahira, waana goobta qabuuraha u aheyd dadkii hore ee ku nool Masar qarniyo lasoo dhaafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here