Covid-19 oo Saameeyay Ganacsiga Dalaga Sisinta ee Suuqyada Magaalada Jowhar.

0
151

Jowhar – (Radio Isnaay) – Qaarka mid ah Haweenka sisinta ku iibiya magaalada jowhar oo sheegay dhibaatooyinka dhanka ganacsiga kuyimid.

Ku dhawaad 30 haween ah oo sisinta ku iibiya seeylada magaalada jowhar ayaa wajahaya xaalad dhaqaale yari kadib markii ganacsatadii sisinta u dhoofinjiray dibaddaha ay soo gali waayeen Gudaha Dalka Maadaama uu Saameyn Xoogleh ku Yeeshay Xanuunka Covid-19.

Xaawo Cabdi  Xasan Waa Hooyo hooyo 21 sano ku dhex jirta Ganacsiga Sisinta Waxa ay Radio Isnaay U sheegtay in qasaaraha ugu badan uu sanadkan ay Soo Gaartay Maadaama uu Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Saameeyay Xanuunka Covid-19.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa:- Maryama Shiikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here