Jowhar – (Radio Isnaay) – Sannad kasta Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ayaa laga xusaa adduunka oo dhan 21 Sebtember. Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay maalinkan oo loogu talagalay xoojinta himilooyinka nabadda.
Sannadkan, way ka duwantahay sidii ay ahayd cadowgeenna guud waa fayras aan daalin oo khatar ku ah caafimaadkeenna, nabadgelyadeenna iyo qaab nololeedkeenna. COVID-19 kaas oo aduunka dhan ku riday jahwareer waxana siweyn loo xusuustaa dadkii uu laayay ama ilaa iyo hada ujiifa xarumaha Caafimaadka inkasta oo ay jiraan tiro dad ah oo kacaafimaaday.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.