Ninkii Curiyay Gantaallada Guuxooda ka Dheereeya oo la Abaal mariyay.

0
133

Jowhar – (Radio Isnaay) – Madaxwayne Putin ayaa gudoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa dalkaasi ninka lagu magacaabo Herbert Efremov, oo ahaa ninkii ikhtiraacay ama sameeyay gantaalada casriga ee guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano hypersonic .

Madaxwaynaha ayaa gantaaladan ku tilmaamay kuwa Ruushka siiyay sareeyn dhanka hubka ah markii ugu horeysay taariikhda.

Shir dhanka muuqaalka ah ayuu Mr Putin, waxaa uu Mr Efremov la barbar dhigay khubaradii Ruushka ee xilligii Soofiyeedka sameeyay barnaamijka hubka Niyukleerka.

Waxaa uu madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin sidoo kale xusay in Ruushka muudo toboneeyo sano ah door muhiim ah ay ka ciyaarayeen dhanka awodda militariga.

Balse waxa uu sheegay in sameyntii  iyo soo saariddii gantaallada guuxooda ka dheereeya ay yihiin kuwa xawli dheereeya, awood badan islamarkana aysan suuragal ahayn in la soo rido.

Madaxwaynaha dalka Ruushka ayaa farta ku fiiqay in markii sanaddii 2002 uu madaxwaynihii hore ee Mareykanka George W. Bush’ ka baxay heshiiskii ka hortaga gantaallada riddada dheere ay Ruuska ku qasbanaadeen inay hormariyaan gantaalada guuxooda ka dheereeya ee hypersonic.

Gantaallada Ruushka ee guuxooda ka dheereeye ayuu sheegay madaxwayne Putin inay yihiin kuwa 27 jeer guuxooda ka dheereeya.

Sida ay Ruushka sheegeen waxay gantaalladan awoodaan in ay gaaraan 100 kiilo mitir.

Waxaa gantaaladan uu markii ugu horeysay madaxwayne Putin xarigga ka jaray 1 March sanaddii 2018.

Gantaalladan guuuxooda ka dheereeya ayaa waxaa ay sidoo kale awood u leeyihiin inay xambaaraan madaxyada Niyukleerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here