inedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Kulanka Real Sociedad.

0
187

Jowhar – (Radio Isnaay) – Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulankooda koowaad ee horyaalka LaLiga ee ay Axadda kaga hor tegayaan Real Sociedad oo ay marti u noqon doonaan.

Los Blancos oo toddobaadkii hore aan ciyaarin ayaa waxa kulankan dhaawac kaga maqan dersin ciyaartooyo ah oo aanu Zidane heli doonin adeeggooda ciyaareed, kuwaas oo waxyeelo kasoo gaadhay kulamadii qaramada, halka qaarkoodna ay wali u jiifaan dhaawacyadii xili ciyaareedkii hore soo gaadhay.

Zidane ayaa liiska kulankan waxa uu kusoo daray weeraryahanka Luka Jovic oo beddel suge u ahaan doona Karim Benzema iyo xiddiga khadka dhexe ee reer Norway ee Martin Odegaard oo kasoo laabtay amaah uu xili ciyaareedkii hore ugu maqnaa kooxda ay la ciyaarayaan Axadda ee Real Sociedad.

Laakiin 22ka ciyaartoy ee Zinedine Zidane uu magacaabay ayaan lagu soo darin Eden Hazard, Marco Asensio, Eder Militao, Martiano Diaz iyo Lucas Vazquez oo dhamaantood dhaawac ah.

Dersinkan ciyaartoyda ah ee dhaawacan ayaa waxay Zinedine Zidane ku qasbeen inuu kooxdiisa kusoo daro Marvin Park iyo Sergio Arribas oo kooxda da’yarta ee Castilla ka tirsan, halka 23kii ciyaartoy ee loo ogolaana uu kusoo koobay 22 laacib oo kaliya.

Marvin Park iyo Sergio Arribas oo qayb ka ahaa ciyaartoydii saftay kulankii Getafe ee Zidine Zidane uu ku tijaabinayay ciyaartoydiisa, guul weyn oo 6-0 ahna ka gaadhay ayaa waxa uu ku qancay inuu kusoo daro kooxdiisa oo haddii ay ka fursan weydo uu isticmaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here