Arsenal Oo Guulaha Premier League Sii Wadata iyo Nketiah Oo Guusha Ku Hoggaamiyey

0
216

.Jowhar – (Radio Isnaay) – Arsenal ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah ka gaadhay horyaalka Premier League, waxaanay 2-1 ku garaacday West Ham United oo xili ciyaareedku ugu bilowday guul-darrooyin isku xiga.

Mikel Arteta oo kooxdiisu ay ciyaartii furitaanka guul weyn kasoo gaadhay Fulham ayaa waxay caawa garoonka Emirates ku qaabishay West Ham United oo kulankii hore ay Newcastle kasoo badisay, waxaana Gunners ay xaqiiqsatay in rikoodhkeeda guulaha ay sii wadato.

Weeraryahanka reer France ee Lacazette ayaa gool-dhalinta ciyaarta furay, kaddib markii uu madax ku dhaliyey kubbad uu ka helay Aubemayang qaybtii hore, laakiin Antonio ayaa ciyaarta ka dhigay 1-1 daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore.

Dhamaadkii ciyaarta oo ay shan daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan tahay ayaa uu Arsenal goolka guusha u dhaliyey Eddie Nketiah oo beddel kusoo galay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-1 ay libinta la hoyatay Gunners.

Shaxdii labada kooxood

Arsenal XI (3-4-3): Bernd Leno; Rob Holding, Gabriel Magalhaes, Sead Kolasinac; Hector Bellerin, Dani Ceballos, Granit Xhaka, Bukayo Saka; Willian, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Matt Macey, Kieran Tierney, Mohamed Elneny, Nicolas Pepe, Eddie Nketiah, David Luiz, Ainsley Maitland-Niles.

West Ham XI (5-4-1): Lukasz Fabianski; Ryan Fredericks, Issa Diop, Angelo Obgbonna, Aaron Cresswell, Arthur Masuaku; Jarrod Bowen, Tomas Soucek, Declan Rice, Pablo Fornals; Michail Antonio.

Kaydka: Darren Randolph, Andriy Yarmolenko, Fabian Balbuena, Sebastien Haller, Ben Johnson, Felipe Anderson, Manuel Lanzini.

Tababare Mikel Arteta ayaa saddex isbeddel ku sameeyey shaxdii uu Sabtidii hore kula ciyaaray Fulham, taas oo uu ku gaadhay guul weyn oo 3-0 ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here