Zidane Oo Su’aashii Dunidu Sugaysay Laga Weydiiyay Xiddiga Gareth Bale.

0
128

Jowhar – (Radio Isnaay) – Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ka hadlay in garabkii weerar ee kooxdaas ee Gareth Bale uu qarka u saaran yahay inuu qaab amaah ah kaga tago Estadio Santiago Bernabeu isaga oo ku laabanaya kooxdii dunida bartay ee Tottenham.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Wales ayaa lagu qasbay inuu raadsado koox cusub oo aan ahayn Real Madrid si uu u helo wakhti ciyaareed ku filan kahor tartanka Euro 2020.

Mid kamida caqabadaha ugu waaweyn haddiiba aysan ahayn caqabada ugu weyn ee Los Blancos ku haysatay Bale ayaa ahaa tababare Zidane oo mar mar isticmaali jiray 31 sano jirkaas iyadoo ay muuqatay in xidhiidhkoodu uusan fiicnayn.

Zizou oo hadda ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka Real Sociedad ayaa sheegay inuusan ka cadhaysnayn in dadku ay isaga ku eedaynayaan bixitaanka Gareth Bale.

Dhinaca kale Zidane ayaa sheegay in xidhiidhka ka dhaxeeyay isaga iyo Gareth uusan ahayn mid xun isla markaana aysan jirin cid taariikhda kooxda ka masixi karta wixii uu ciyaaryahankaasi usoo qabtay.

Macalinka ree France oo Sabtida maanta saxaafada u warramayay ayaa yidhi “Anigu kama cadhaysni in dadku ay igu eedaynayaan bixitaankiisa sababtoo ah maaha sidaas, xaaladu in badan ayay ka adagtahay sidaas”

“Waxa aan odhan karo ayaa ah in aanaan qabin wax dhibaatooyin ah oo anaga noo dhaxeeyay, ma jiro qof baabiinaya wixii uu kusoo qabtay Real Madrid”

“Dhibaato maanaan qabin, sidaas may ahayn, isaga wanaag oo dhan ayaan u rajaynayaa” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Zidane/.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here