Mareykanka oo Dalkiisa Kamamnuucayo Isticmaalka Tik Tok iyo Wechat.

0
119

Jowhar – (Radio Isnaay) – Maraykanka ayaa maalinta Axadda ah dalkiisa ka mamnuuci doona baraha bulshadu ay ku wada xiriirto ee kala ah TikTok iyo WeChat, haddii aan wax iska baddalin go’aanka madaxweyne Trump oo uusan heshiis kama dambays ah qaadan.

Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay in dadka ku nool Maraykanka ay ka mamnuucayso in ay la soo dagaan barnaamijyadaas.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegaya in shirkadahaan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka, isla markaasna macluumadka qofka barahaas isticmaalaya ay u gudbi karaan Shiinaha.

Hase ahaatee Shiinaha iyo labadaas shirkadoodba way beeniyeen eedaymahaas.

WeChat ayaa si rasmi ah maalinta Axadda ah looga xiri doonaa dalka Maraykanka, balse dadka ayaa wali sii isticmaali doona barta kale ee bulshadu ay ku wada xiriirto ee TikTok inta laga gaarayo 12-ka November, markaas oo si buuxda loo mamnuuci doono.

Shirkadda TikTok ayaa sheegtay in arrintaas ay “niyad-jab ku noqotay” ayna is khilaafeen wasaaradda ganacsiga, ayadoo shirkaddu sheegtay in ay samaysay “daahfurnaan heer sare ah” walaaca uu qabo maamulka Trump awgiis.

Tencent – oo ah shirkadda iska leh WeChat – ayaa sheegtay in xayiraadaha la saaray ay yihiin kuwo “nasiib darro ah”, balse ay sii wadi doonto wada xaajoodka ay kula jirto xukuumadda Maraykanka “si mustaqbalka arrintaa xal looga gaaro”.

Amarka xayiraadda ah ee ay soo saartay wasaaradda ganacsiga Maraykanka ayaa daba-socda amar uu madaxweyne Trump soo saaray bishii August, shirkadaha Maraykanka ee bah-wadaagta la ah ayaa la siiyey muddo 45 cisho ah si ay u joojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin labadaas shirkadood ee Shiinaha laga leeyahay.

Haddii sida la qorsheeyey ay heshiiyaan Shirkadda Maraykanka laga leeyahay ee Oracle iyo tan Shiinaha laga leeyahay ee ByteDance ee iska leh TikTok

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here