Tirada Qoysaska ku Barakacay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo korortay.

0
136

Jowhar – (Radio Isnaay) – Waxaa sii kordhaaya Saameyntii ka dhalatay Fatahaadaha Wabiga Shabeellle ee Deegaanada Gobolkani shabeellaha dhexe gaar ahaan Degmooyinka  Jowhar, Mahadaay iyo Balcad iyado sanadkan ay baaba’een dhul bereedyo lagu qiyaasay  in kabadan hal malyan oo hectar waxaana ku beeranaa  Dalagyo kala duwan sida uu sheegay Maamulka Gobolka Shabeellaha Shexe.

Marka laga soo tago saameynta dhul bereedyada waxaa jira qoysas badan oo ka barakacay guryihii ay daganaayen kuwaas oo qaarkood hadda ku nool xerooyin barakac oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here